Xarunta Ifiye

IFIYE waxa ay higsaneysaa helitaanka bulsho Soomaaliyeed, oo garaadkoodu sarreeyo; oo ay hagto aqoon dhaqan suubban ku dhisan, si loo helo Soomaali nabad iyo horumar ku wada-nool; oo afkaaraha kala duwan isku dhaafsata si cilmiyeysan, Iyada oo la adeegsanayo itaalka qalinka iyo awoodda erayga, halka laga isticmaali lahaa caarradda qoriga iyo cududda qabiilka.