Wuxuu Ka Badbaaday Geeri La Hubo — Mid ka mid ah Dhacdooyinkii Ugu Cajiibsanaa Dagaaladii SNM
Автор: Arabsiyo News
Загружено: 2025-12-21
Просмотров: 3575
Wuxuu Ka Badbaaday Geeri La Hubo | Dagaalkii 73-Askari — Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu cajiibsanaa ee dagaalladii SNM iyo Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya
************
Waxaa jiray waqti mugdi ahaa oo dalkaygu uu galay dagaal dib u xoreyn.
Waqti ay Jabhadii SNM dagaalo aan kala go’ lahayn la galeen ciidamadii xooga wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya, dhiig badanna uu daatay.
Qof walba wuxuu xasuustaa cabsi, khasaare iyo rajo la’aan.
Laakiin maanta, waxaan xusuusaneynaa mid ka mid ah mucjisooyinkaas nolosha —
sheeko qof ku jiray meel geeridu u dhowdahay, balse Alle u fududeeyay badbaado aan la rumaysan karin.
Qisadan waa xasuus, waa digniin, waa fariin naxariis iyo rajo wadata.
Wuxuu ka badbaaday geeri la hubo.
Sanadku waa 1988, bishuna waa June. Waa xilli uu marayo heerkii ugu kululaa dagaalkii u dhexeeyay xoogaggii SNM iyo ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Goobtu waa Masalaha galbeed ee magaalada Hargeysa, meel buuraha koonfur ka xiga magaalada. Halkaas ayaa lagu dagaallamay — dagaal qadhaadh oo dhexmaray guuto ciidanka dowladda ah iyo ciidan yar oo SNM ah, kuwaas oo tiradoodu ahayd 83 askari oo dhalinyaro u badan.
Ciidankaas yar waxaa hoggaaminayay Mujaahid Xassan Ibraahim – Xassan Waraabe (Alle ha u naxariisto). Inkasta oo ay tiro ahaan yaraayeen, haddana waxay guul la taaban karo ka gaadheen dagaalkaas.
Waxay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidanka xooggu ku faani jireen — Kaare noociisu cusub yahay, oo laga soo farsameeyay dalka Maraykanka.
Hase yeeshee, dhalinyaradaasi ma aqoonin sida loo kaxeeyo gaadhigaas dagaal, sababtoo ah badankoodu waxay ahaayeen gaas dhagoole (ciidankii deegaanka oo aan tababar ciidanimo haysanin). Si aan mar kale loogu soo weerarin, waxay go’aansadeen inay kaarihiisii dab qabadsiiyaan, oo xaabo ku shidaan.
Markii uu dagaalku dhacay, Xassan iyo ciidankiisii waxay dib ugu gurteen jeex-jeexyo jihada koonfureed ka xigay. Gabalkii markuu dhacay, waxaa u yimid saraakiil sare oo ka tirsan ururkii SNM — Cabdilaahi Askar, Dayib Gurey, iyo mujaahidiin kale.
Saraakiishaas waxay u sheegeen in dagaalkii ka socday magaalada Hargeysa uu marayo halkii ugu cuslayd, xaaladuna ay aad u adagtahay — in badan oo ciidankii SNM ahna ay dhinteen, kuwo badanna ay dhaawacmeen.
Markii la is waraystay, saraakiishii waxay Xassan waydiiyeen qorshihiisa xiga.
Xassan isagoo cod adag ku hadlaya ayuu yidhi:
“Waxaa na soo ag degay ciidan iyo saadkoodii... kuwaas ayaan doonayaa inaan aroorta weeraro oo ka furto hubkooda iyo wixii kale ee ay sitaan.”
Warbixinta Dagaalka iyo Qisada
“Maanta waxaan la kulanay Iid Jiciir Aw Axmed, oo ka mid ahaa dhalinyaradii dagaalka culus ka qayb galay. Wuxuu maanta nala wadaagayaa qisadiisii mucjisada ahayd ee uu ku badbaaday halkaas.”
Waa sheeko naxdin iyo mucjiso isku jirta — mid uu Alle badbaadiyay, halkaas oo geeridu ay u muuqatay mid la hubo.”
Gunaanad
Qisadani waa mid dhab ah, balse waxay xambaarsan tahay cashar weyn.
In noloshu tahay hadiyad,
in nabaddu tahay nimco,
in rajadu aanay marnaba dhammaan — ilaa Alle uu go’aansado.
Dhibaatadii la soo maray ma noqon karto mid la illoobo,
balse waa in loo beddelaa xasuus wacyigalineed iyo arin jiilka dambe wax ka korodhsan karaan .
Wuxuu ka badbaaday geeri la hubo.
Nolosha, samirka, iyo Doonista Eebe — waa saddexda ay mucjisooyinka dhabta ahi ka dhalan karaan.
ARABSIYO NEWS Kala Soco Wararkii U Dambeeyey Ee Soomaalida iyo Dunida. Kuxidhow #arabsiyo_news
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: