MA ICTIRAAF AYAA YIMID MISE BOMB HALIS AH TAARIIKH 26 12 25
Автор: ANNAGA PRODUCTİON
Загружено: 2025-12-27
Просмотров: 16547
Taariikhdu markay ahayd 26-kii December 2025, waxay Somaliland u ahayd maalin xusuus gaar ah leh, balse dad badan u arkaan "Maalin Madow." 34 sano oo sugitaan ah kadib, aqoonsigii ugu horreeyay ee ay Somaliland hesho wuxuu noqday mid ka yimid Israa'iil, tallaabadaas oo abuurtay walaac, shaki, iyo baqdin xooggan.
Arrintan ayaa timid xilli nhad-dhaqanka Israa'iil ee dunida Islaamka iyo caalamkaba aad loo dhaliilayo. Waa waqti sumcadda Israa'iil ay marayso meeshii ugu hooseysay abid, iyadoo xitaa jiritaankeeda iyo siyaasadeeda ay ka taagan yihiin muran caalami ah. Waxaa intaas dheer, in taageeradii dhaqanka ahayd ee ay ka heli jirtay Congress-ka Maraykanka ay sii ziiqaamayso, dalal badanna ay ka fogaanayaan in ay xiriir muuqda la yeeshaan.
Iyadoo xaaladda dunidu sidaas tahay, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee si cad u soo dhaweeya xiriirkan, isagoo yiri: "Waxaan ahay qofka ugu farxadda badan dunida, maadaama riyadii 34-ka sano ay Israa'iil inoo dhabaysay."
Caasimadda Hargeysa, dareenku wuu kala qeybsanaa. Dhinac, waxaa ka billowday dabaal-degyo iyo farxad la xiriirta aqoonsiga, iyadoo dhalinyaro qaarkood lagu arkayay inay lulayaan ama ku labisan yihiin calanka Israa'iil. Dhanka kale, waxaa soo ifbaxay diidmo xooggan iyo dad badan oo ka biyo-diiday in aqoonsiga qarannimadooda uu noqdo mid ku yimaada gacanta Israa'iil, iyagoo tixgelinaya xaaladaha bini'aadantinimo iyo kuwa diimeed ee taagan.
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: