Pope Francis wuu dhintay, maxaa dhici doona geeridiisa kaddib? | BBC Somali
Автор: BBC Somali
Загружено: 21 апр. 2025 г.
Просмотров: 27 413 просмотров
Baadarinimada Pope Francis waxay horseedday waxyaabo badan oo markoodii ugu horreeyay dhaca iyadoona uusan weligii joojin inuu isbeddello kusoo dabbaalo Kaniisadda Kaatooligga, wuxuu caan ka dhex ahaa bulsho dhaqameedyo badan.
Wuxuu ahaa baadarigii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Americas amaba Hemisphere-ta Koofureed. Tan iyo markii ninka Suuriya ku dhashay ee Gregory III uu geeriyooday sanadkii 741 ma jirin Baadariga Rome oo aan Yurubiyaan ahayn.
Wuxuu sidoo kale ahaa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan Bulshada Jesus ee loo doorto madaxa St Peter - dadkan loo yaqaanno Jesuits taariikhiyan Rome ayaa shaki ka qabi jirtay.
Ninka uu beddelay Francis, Benedict XVI, wuxuu ahaa baadarigii ugu horreeyay ee si iskiis ah howlgab u noqda ku dhowaad 600 sano iyo ku dhowaad 10 sano intii Vatican Gardens ay yeelatay labo baadari.
Isagoo ahaa Cardinal Bergoglio-ga Argentina, da'aaddiisa 70-meeyada ayuu ku jiray markii uu Baadari noqday sanadkii 2013.
Wadaaddo badan oo Kaatoolig ah ayaa u heystay in baadariga cusub uu noqon doono nin da'yar.
Bergoglio ayaa isu soo taagay musharrax diyaar u ah in wax la isku raaco: isagoo u cuntamay asalraaca leh aragtiyada arrimaha galmada isagoo sidoo kalena kuwa isbeddellada sameynaya kusoo jiitay aragtidiisa dhexdhexaadka ah ee dhanka caddaaladda bulshada.
Waxaa la rajeynayay in taariikhdiisa inuusan u baran howlahaas ay ka caawin doonto dib u cusbooneysiinta Vatican-ka iyo dib usoo nooleynta howlaheeda barakeysan.
Balse maamulka Vatican-ka dhexdooda qaar ka mid ah isu dayada Francis ee isbeddelka waxaa laga horkeenay diidmo iyadoo qofkii uu xilka kala wareegay, oo geeriyooday sanadkii 2022, uu caan kasii dhex ahaa kuwa dhanka dhaqanka ku adag.
Waxaa faahfaahinaya wariyaha BBC Somali ee Nimaan Osman.

Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: