Axmed Xasan Axmed (Dabshid) ayaa sheegay inuu wajahayo muran dhuleed oo muddo soo jiitamayay...
Автор: Daljir
Загружено: 2025-11-30
Просмотров: 779
Axmed Xasan Axmed (Dabshid) ayaa sheegay inuu wajahayo muran dhuleed oo muddo soo jiitamayay kaasi oo ku saabsan dhul uu ku leeyahay duleedka degmada Buurtinle balse ay ku haystaan ilma Jaamac Ciise. Dabshid ayaa sheegay inuu Dhulkaas calaamadsaday 1994-kii islamarkaana uu u haysto dukumiinti sharci ah iyo caddeymo rasmi ah wuxuu tilmaamay in arrintan ay soo martay meelo kala duwan oo sharci iyo xal-raadin ah oo ay ka mid yihiin Guddiga Khilaafaadka Maxkamadda Sare iyo culimo isku dayay inay labada dhinac u kala garqaadaan iyagoo ku saleynaya shareecada islaamka
Dabshid ayaa faahfaahin ka bixinaya heerarkii ay arrintu soo martay wuxuu sheegay in culimada oo keenay dhaar lagu kala baxo uu aqbalay halka uu diiday dhaarta Mawliid Jaamac Ciise oo ah hoggaanka ilma Jaamac Ciise
Ugu dambeyntii Dabshid iyo qaar kamid ah ehelkiisa ayaa ku baaqay in arrintan si cadaalad ah loo xalliyo iyagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin in lagu kala baxo shareecada Islaamka
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: