Популярное

Музыка Кино и Анимация Автомобили Животные Спорт Путешествия Игры Юмор

Интересные видео

2025 Сериалы Трейлеры Новости Как сделать Видеоуроки Diy своими руками

Топ запросов

смотреть а4 schoolboy runaway турецкий сериал смотреть мультфильмы эдисон
dTub
Скачать

Sheeko Dikaan Jaceyl Part 2 Wariye Shakeeti

Автор: kaamilotv

Загружено: 2013-12-29

Просмотров: 15489

Описание:

Sheeko Dikaan Jaceyl,W/Q Dahir Alasow -- 2-aad
Nasrudiin iyo Nimco Faarax sheeko dheer ka dib waxaa lagu balamay in la wada xiriiro ,wuxuuna u sheegay inuu lacag u soo dhigi doono ayna ku heli doonto sida ugu habooneed qaab Xawaaleedkii waqtigaas ee ku qasbayay inuu Nairobi ku xawilo, oo taar loogu sii xawilo Muqdisho.
inkastoo Nasrudiin uu dareemaayey qaboow farabada oo dhacaayey hadana dib ayuu ugu laabtay jiifkiisa isagoo riyo maalmeed ku joogo xaafadiisii Waaberi.
Nimco Faarax iyadoo farxad iyo rayrayn ka muuqato ayey ku gurya noqotay xafadeedii,intii ay jidka ku sii socotay waxay gudo gashay muuqaal xasuuseed iyo xiligii dowladnimadda, dagaalkii ka danbeeyey, diiftii iyo dacdaradda uu dalku ka dhaxlay daarihii burburay,dadkii la dilay iyo dareen la'aanta dablayda hubaysan ee daadsan wadooyinka degmadda Waberi.
Markii ay guriga tagtay waxay isku dultuurtay sariirta si ay dib u qooraansato dulucdii war ee Nasrudiin ay isla darandooriyeen daqiiqadihii yaraa ee farxad ahaan u dhigmay saacado,baahina ka yaraa,hal daqiiqo.
Falanqeyn dheer,sheekadii dhexmartay ,dhankasta hadii ay u rogtay,hadal walba muraajaceysay kama aysan dhex helin kalmado huwan hadal dahsoon oo Nasrudiin ku doonaayay xariirkeeda gabarnimo marka laga reebo tan walaaltimo.
Nimco Farah,lafteedu waa noole,naf iyo sheydaan ay la xiriiraan,waxaana qudheeda galay damac jaceyl maxaa yeelay waa gabadh aan nolosha guurka dhadhamin macaan iyo qaraar.
"Way tagtay aroosyo badan,gabdho ay saaxiib yihiin way kaga sheekeeyeen farqiga u dhaxeeya guurka iyo guur la'aanta,lafteeda umi maaha oo rag badan way la haasaawday,waxaase xaqiiqaa inaysan midkoodna ku qancin,maxaa yeelay Magaaladu waa Madfac dhacaya,Meyd wado yaal,Mooryaan qori sita,mid Marqaana,maskax kala fiiga.
Nafteeda ayey la murantay,marba dhanbeey milicsatay,moowjado badan ayaa ku furmay,ma hiigaanbaa hareeyay,madaxeey kalideed ruxday,maankeedu wuxuu jecleeystay inay muxubada jaceyl,Macaane ila wadaag tiraa Nasrudiin.
Masalo badan Jaceyl,miyaad moog tahay inay naftaada maqsuud ku tahay,muraayada eegmadiyo ,hadaan midig,bidix lahayn,waxaad mohataa rajadu,miyaa la maleeyn karaa?,Muuqaalka u daa naftoo,marka hore maseejis sii,masawiradana raaciyoo,markaa maskaxdiisa eeg.
Waxay muusanaawdaba, waxay hoosta ka xariiqday inay dhankeeda ka biloowdo xiriir Jaceyl,xaajadu ma foga,xaalkuna ma dhawa,Xamar iyo Stockholm,xeeb iyo dhul ma wadaagaan,xarbi ahli Xamar,xaalad wanaagsan Sweden.
Dumar ayey u tahay damaca jaceyl,hadii dadku weydiiyaan way iska diidaa,oo dulucdii Caro weelo ayey ka deb qaadataa.
Dadaalka Nasrudiin ma yara,dareen guur kuma jiro,dagaalo inay dalkii la dageen wuu ogyahay,biilkana waa u soo diraa,dood kama taagna oo wuxuu uga dan leeyahay in da' yaraantii ay dadka iska xigeen,dugsi qur ,aan isla dhigteen .
DOOQU WAA BALAAYEE, Nimco waxay af daboolnaato subaxdii dambe ayey damacday inay dareenkeeda sheegato,naftaa u diiday,dabcan waa astaan dumar iyo jaceyl ,dabadeed dadaal dheer waxay horseed u noqotay inay dad baxaya doon doonto,oo hadiyad ahaan ugu dirto dulucdii isbedelkeeda dareen iyo sawiro ay ku leedahay ila daawo,dul iyo dacal iga eeg,hadaan dal nabadda dirin kugula seexdo,diihaalka ka bogsoodo,soow daadah maaha Sheekada?
Wax Raagga rag kuma samaa la yiri,dadkii ay hadiyadda iyo fariinta ugu dhiibtay dalkii Sweden ma tegin oo Dubai ayey ku hakadeen,laakiin dabcan Nimco maalintii waxay la tahay bil.
Nasrudiin 9 bil ka dib 9 :00 Pm fiidnimo waxaa u bilaabatay sheeko hoosaad iyo is xasuusin taariikhihii duugoobay ee ay soo wadda mareen qosol iyo kaftan ka dib Nimco ayaa hadalkii qaadatay oo tiri "Nasrudiinoow ma guursatay"?
"Maya Walaashiis ma guursan" ayuu ku jawaab celiyay.
"Waheey wah,waan ku gartay walaal macaan ee maadaama aadan weli guursan waxaa jeclaysta inaan aniga iyo adiga mustaqbal wadaagno,wada sheekaysano heer guur maxaa yeelay si kale kuma kala sheeka bogan karno ee maxay kula tahay"?ayey tiri Nimco oo rabta in ay ogaato wuxuu ka qabo fikirkeeda !!
Nasrudiin oo filan waa ay ku noqotay indha'adeega mutuxan ee Nimco damaceeda daaha uga qaaday ayaa yiri "haa abaayo waa sax ,waa arin fiican waxaad nala jeceshahay waa soo dhaweynayaa"
Sheeko ugub jacayl ayaa labada dhinac la isu jiibiyey,daqiiqado badan ka dib ayaa la balamay .

Sheeko Dikaan Jaceyl Part 2   Wariye Shakeeti

Поделиться в:

Доступные форматы для скачивания:

Скачать видео mp4

  • Информация по загрузке:

Скачать аудио mp3

Похожие видео

Путин прибыл в Нью-Дели с государственным визитом - ПРЯМАЯ ТРАНСЛЯЦИЯ

Путин прибыл в Нью-Дели с государственным визитом - ПРЯМАЯ ТРАНСЛЯЦИЯ

Сыдыков катышкан №13 округдагы шайлоо жокко чыкты | Жаңылыктар | 03.12.2025

Сыдыков катышкан №13 округдагы шайлоо жокко чыкты | Жаңылыктар | 03.12.2025

Bosak o pomyśle Tuska.

Bosak o pomyśle Tuska. "NAIWNOŚĆ ALBO SKANDAL!"

POMNIK POLSKICH OFIAR W BERLINIE. RADZIEJOWSKA, INSTYTUT PILECKIEGO I ODKŁAMYWANIE HISTORII

POMNIK POLSKICH OFIAR W BERLINIE. RADZIEJOWSKA, INSTYTUT PILECKIEGO I ODKŁAMYWANIE HISTORII

Добуш сатып алгандар эми ачыктала баштады. Төө-Ашууга кошумча тоннель курулат

Добуш сатып алгандар эми ачыктала баштады. Төө-Ашууга кошумча тоннель курулат

ТҮШКҮ ЖАҢЫЛЫКТАР: САЛАМАТТЫК САКТОО МИНИСТРИ КЫЗМАТЫНА ЭМНЕГЕ УКМК КЫЗМАТКЕРИ КЕЛГЕНИ ТҮШҮНДҮРҮЛДҮ

ТҮШКҮ ЖАҢЫЛЫКТАР: САЛАМАТТЫК САКТОО МИНИСТРИ КЫЗМАТЫНА ЭМНЕГЕ УКМК КЫЗМАТКЕРИ КЕЛГЕНИ ТҮШҮНДҮРҮЛДҮ

PKP Intercity kupiło 50 używanych wagonów od Niemców | A. Klarenbach

PKP Intercity kupiło 50 używanych wagonów od Niemców | A. Klarenbach

ШАЙЛОО 2025: НООКЕНДЕГИ ЧУЛГАНДУУ ШАЙЛООНУН ЧОО-ЖАЙЫ #кыргызстан #шайлоо2025 #рекомендации

ШАЙЛОО 2025: НООКЕНДЕГИ ЧУЛГАНДУУ ШАЙЛООНУН ЧОО-ЖАЙЫ #кыргызстан #шайлоо2025 #рекомендации

Мандат ала турган 90 депутаттын таржымалы

Мандат ала турган 90 депутаттын таржымалы

Шайлоодон кийинки ойлор жана жыйынтыктар // ОЙ ОРДО

Шайлоодон кийинки ойлор жана жыйынтыктар // ОЙ ОРДО

Садыр Жапаровду БИЙЛЕП тосуп алышты 😍 Мындай болгон эмес

Садыр Жапаровду БИЙЛЕП тосуп алышты 😍 Мындай болгон эмес

BLOK EKIPA (297), WSPÓLNY WRÓG

BLOK EKIPA (297), WSPÓLNY WRÓG

КҮНДҮЗГҮ ЖАҢЫЛЫКТАР 04.12.25. КЫРГЫЗСТАН ЖАҢЫ АЙДООЧУЛУК КҮБӨЛҮККӨ ӨТҮҮДӨ

КҮНДҮЗГҮ ЖАҢЫЛЫКТАР 04.12.25. КЫРГЫЗСТАН ЖАҢЫ АЙДООЧУЛУК КҮБӨЛҮККӨ ӨТҮҮДӨ

TRANSPORT DZIADKOWEGO ŻYTA NA SKUP -JAKA CENA.. NIE JEST CIEKAWIE

TRANSPORT DZIADKOWEGO ŻYTA NA SKUP -JAKA CENA.. NIE JEST CIEKAWIE

NA ŻYWO: ZAWISZA – WISŁA KRAKÓW | PUCHAR POLSKI | JAGIELLONIA I KORONA KIELCE WYELIMINOWANE!

NA ŻYWO: ZAWISZA – WISŁA KRAKÓW | PUCHAR POLSKI | JAGIELLONIA I KORONA KIELCE WYELIMINOWANE!

🔴 EXPRESS BIEDRZYCKIEJ | RYSZARD KALISZ, TOMASZ SEKIELSKI [NA ŻYWO]

🔴 EXPRESS BIEDRZYCKIEJ | RYSZARD KALISZ, TOMASZ SEKIELSKI [NA ŻYWO]

⚡️Жаңылыктар: Рахмон Путинден шашылыш жардам сурады / эмне болуп жатат?..

⚡️Жаңылыктар: Рахмон Путинден шашылыш жардам сурады / эмне болуп жатат?..

Sheeko Dikaan Jaceyl Part1 Wariye Shakeeti

Sheeko Dikaan Jaceyl Part1 Wariye Shakeeti

Fiasko szczytu w Moskwie! Jak zmusić Niemcy do wypłaty odszkodowań? — dr Krzysztof Rak i Zychowicz

Fiasko szczytu w Moskwie! Jak zmusić Niemcy do wypłaty odszkodowań? — dr Krzysztof Rak i Zychowicz

JAK WKURZYĆ UCZNIA

JAK WKURZYĆ UCZNIA

© 2025 dtub. Все права защищены.



  • Контакты
  • О нас
  • Политика конфиденциальности



Контакты для правообладателей: [email protected]