Koofi Baraawe - Joogteynta dhaqankii soo-jireenka ah ee sameynta koofiyad Baraawaha
Автор: UN Transitional Assistance Mission in Somalia
Загружено: 2025-08-17
Просмотров: 350
Maalin dhoweyd ayaa goor galab ah iyada oo joogta gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaa ay Faadumo Jeylaani Cabdi ku fadhidey derin, waxaana hareeraheeda yaalley xirmooyin dun midabo kala duwan leh.
Faadumo gacmaheedu marna shaqada ma joojineyn indhaheeduna waxa ay ahaayeen kuwo aad diiradda u saaraya howsha ay heysay. Waxaa ay gacanta ku haysaa irbad iyo dun, waxaana ay ku mashquulsan tahay sameynta shey ka mid ah astaamaha ugu caansan dharka Soomaaliya laga xirto: waana ‘Koofiyad Baraawe,’ .
Hooyadan 59 jirka ah waa reer Baraawe – oo ah beel caan ku ah xirfadaha farshaxanka gacanta oo khabiir ku ah soo-saaridda koofiyadda gacanta lagu sameeyo ee quruxda badan.
“Waxaan caan ku nahay saddex shay oo asalkoodu ka soo jeedo magaalada Baraawe: Muufo Baraawe, Caano Baraawe, iyo koofi Baraawe!” ayey tiri Faadumo oo gacmaheedu ay hadba si sahlan oo nidaamsan uga shaqeynayaan koofida dhabteeda saaran.
Koofiddu waa mid wareegsan, oo aan lahayn qarar dhinacyada u baxsan oo guudkeeda sarena uu fidsan yahay, oo badanaa caan ku ah daabaceeda middabada leh iyo nakh-shadaheeda aadka u xardhan. Hal koofiyad oo tayadeedu wanaagsan tahay waxaa ay sameynteeda dad ku qaadan kartaa 15 maalmood, ama wax ka yar, iyada oo hadba ku xiran waqtiga la geliyo sameynteeda.
Link: https://untmis.unmissions.org/so/news...
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: