HEES | Inanyahay nakala Dadab| Muuse ismaaciil qalinle | Original | Lyrics
Автор: MAADEYS
Загружено: 2021-06-16
Просмотров: 602900
Ereyada : Axmed Macallin Ciid
Laxanka : Muuse ismaaciil qalinle
1979
The song and 'cut scenes' used in this video are not my original creation, therefore, Maadeys does not claim any rights over them.
Copyright Disclaimer under section 107 of the Copyright Act of 1976, allowance is made for "fair use" for purposes such as criticism, comment, news reporting, teaching, scholarship, education & research. Fair use is a use permitted by copyright statute that might otherwise be infringing.
In case of any copyright infringement complains, kindly contact me on : Maadeystube@gmail.com
Qoraalka Heesta
--------------------------
Inkastoon ku doortayoo
Dookhaygu kaa helay
Naftaydana dadnima iyo
Qurux aad ku deeqdayoo
Dumarkaba dhamaantood
Kali kaa duraansaday
Misna daayay hadalkaaba
Mar haddaad danbowdayoo
Damac uu ku qaadayoo
Caashaqaaqu dahab iyo
Doolar uu ku xidhan yahay
Inanyahay nakala dadab
Dibna yaanan kuu arag
....................................
Inkastoon daraadaa
Barya doorahoo tagay
Aawadaa dariiqiyo
Darbiyada ku dhici jiray
Misna daayay hadalkaaba
Mar haddaad danbowdayoo
Damac uu ku qaadayoo
Caashaqaaqu dahab iyo
Doolar uu ku xidhan yahay
Inanyahay nakala dadab
Dibna yaanan kuu arag
..........................................
Inkastoo daraadaa
Caashaqu i duqeeyayoo
Wadna dacaladiisiyo
Xididada ku daadagay
Sambabada ku daadag
Inkastoo daraadaa
Caashaqu i duqeeyayoo
I dilaacshay xabadkoo
Wadna dacaladiisiyo
Sambabada ku daadag
Misna daayay hadalkaaba
Mar haddaad danbowdayoo
Damac uu ku qaadayoo
Caashaqaaqu dahab iyo
Doolar uu ku xidhan yahay
Inanyahay nakala dadab
Dibna yaanan kuu arag
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: