Codkarkii kayaabiyay reer galbeedka Shakib Arslan || أسرار وحقائق مذهلة عن حياة أمير البيان العربي
Автор: Korneel media
Загружено: 2025-04-04
Просмотров: 484
Shakib Arslan, wuxuu ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadkii ugu caansanaa taariikhda Carabta, ee casriga ah. Wuxuu ahaa suugaan-yahan, siyaasi, taariikhyahan, iyo halyey u halgamay difaaca qadiyadaha Carabta iyo Muslimiinta. Waxaa loogu yeeray ama loogu magac daray "Amiirka Bayaan-ka" (Prince of Eloquence) sababtoo ah, af-tahantnimadiisa iyo awoodiisa hadaleed. Wuxuu kaloo ahaa mid ka mid ah, horjoogayaasha ugu horeeyay, ee xoojiyay fikradda midnimada Islaamka.
Dhalashada iyo Carruurnimada
Shakib Arslaan, wuxuu dhashay 25- bishii Diseembar sanadkii 1869, isagoo ku dhashay tuulada Shwayfaat ee Jabal Lubnaan (Buuraleyda Lubnaan). Wuxuu ka dhashay ,qoys asal ahaan kasoo jeeday, beesha Duruus , oo caan ah.
Wuxuu waxbarashadiisii hore kusoo qaatay, magaalada Bayruut (Beirut), gaar ahaan Madrasada Al-Xikma. Shakib, wuxuu ahaa qof aad u xiiseeya barashada afafka iyo suugaanta. Wuxuu bartay Carabi, Turki, iyo Faransiis, taasoo u sahashay inuu fahmo dhaqamada kala duwan, ee dunida.
---
Saaxiibadii ,iyo Dadkii Saameynta Ku Lahaa
Wuxuu saaxiibo dhow la ahaa, qaar ka mid ah dadka ugu caansan xilligaas, oo ay ka mid yihiin:
Jamaaludiin Al-Afgaani – Fikirkiisii dib u soo kabashada Islaamka, wuxuu Shakib ku reebay saameyn wayn.
Shaykh Maxamed Cabduh – Wuxuu dhiirrigeliyay fikirka Islaamiga ah, ee isbedelka.
Cabdiraxmaan Al-Kawakaabi – Wuxuu ka bartay sida loo dagaalamo dagaalada ka dhanka ah,ee cadaaladarada iyo kalitalisnimada.
---
: Doorkiisii Siyaasadeed
1. Difaaciddiisii Khilaafada Cusmaaniyiinta
Shakib Arslaan, wuxuu aaminsanaa in Khilaafada Cusmaaniyiinta, ay ahayd xoogga mideyn kara Muslimiinta. Inkasta oo qaar ka mid ah Carabta, ay doonayeen gooni-isu-taag, haddana, Shakib wuxuu rumaysnaa, in burburka khilaafada uu horseedi doono, burburka guud ee Muslimiinta.
Wuxuu ka soo horjeestay, qorshayaashii gumeysiga reer Yurub (gaar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska) ee doonayay inay qayb-qaybiyaan dhulalka Carabta.
---
2. Taageeradii Uu Siiyay Kacdoonnada Gobannimo-doonka
Markii khilaafadii burburtay, Shakib, wuxuu noqday afhayeenka xoreynta dhulalka Carabta iyo Islaamka. Wuxuu taageeray:
Cabdul Kiriim Al-Khaadibi oo ka dagaalamaayee Marooko.
Cumar Al-Mukhtaar oo hogaaminayay dagaalkii ka dhanka ahaa Talyaaniga ee Liibiya.
Dagaalka Suuriya iyo Lubnaan ee lagaga soo horjeeday Faransiiska.
Falastiin — wuxuu kamid ahaa dadka ugu horeeyay ee ka digay, halista Zionism, iyo qorshayaashooda qabsashada dhulka Falastiin.
#shakibarslan
#shakib
#asaduddinowaisi
#asadhagio
#ogaansho
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: