AF QALAAD AQOONTU MIYAA! with lyrics | ORIGINAL | MAGOOL IYO XASAN DIIRIYE |
Автор: Abdirahman M. Mohamud
Загружено: 2025-02-07
Просмотров: 92905
Riwaayaddii 'Ma Huraan' ee Cali Sugulle (Dun-carbeed), AHN, ee soo baxday 1965 ayay 'Afqaalad Aqoontu Miyaa' ay ka mid ahayd. Waxa wada qaaday Xasan Diiriye iyo Magool, labadaba AHN.
Laxanka waxa ku ladhay Xasan Sabriye Girayt.
I
Xasan:
Abaariyo ooda-lul baan ku jirnaa
Ambannoo omosiyo oomanaan ku lunnee
Magool:
Amankaab iyo yaab argaggax
Abboowe macaanow hooy
Ii sheeg maxaa kuu daran
Abboowe macaanow hee
Xasan:
Waan asqaysanahee ku aaway
Abbaayo macaaneey hooy
Magool:
Ii sheeg maxaa kuu daran
Abboowe macaanow hee
Xasan:
Af qalaad aqoontu miyaa maya?
Magool:
Maya ayay nala tahay annagee
Waa intuu qofba
Eebbe geshaa
Ma og tahay dib
Looma abuuro dadkee
Xasan:
Ma og tahay aqoonta
Amaah laysuma siiyee
Magool:
Ma og tahay aqoonta
Abaal layskuma taartee
Xasan:
Ma og tahay aqoonta
Miyaa la iibsan karaa?
Magool: Maya maya,
Ma og tahay aqoonta
Miyaa la soo ergistaa?
Wadajir:
Maya ayay nala tahay annagee
Waa intuu qofba
Eebbe geshaa
Ayay nala tahay annagee
Ma og tahay dib
looma abuuro dadkee
II
Magool:
Adduunyada waannu ka oodannahee
Aan ogaanno halkay ku aaddan tahee
Waan asqaysanahee ku aaway
Abboowe macaanow hooy
Xasan:
Ii sheeg maxaa ku daran
Abbaayo macaaneey hee
Magool:
Afqalaad aqoontu miyaa?
Xasan: Maya Maya
Magool: Maya maya, ma ahee
Afqalaad aqoontu miyaa?
Xasan:
Maya maya, ma ahee
Waa intuu qofba
Eebbe geshaa
Ayay nala tahay annagee
Ma og tahay dib
Looma abuuro dadkee
Magool:
Ma og tahay aqoonta
Amaah laysuma siiyee
Xasan:
Ma og tahay aqoonta
Abaal layskuma taartee
Magool:
Ma og tahay aqoonta
Miyaa la iibsan karaa
Xasan: Maya maya
Magool:
Ma og tahay aqoonta
Miyaa la soo ergistaa
Xasan: Maya maya
Wadajir:
Maya ayay nala tahay annagee
Waa intuu qofba
Eebbe geshaa
Ayay nala tahay annagee
Ma og tahay dib
looma abuuro dadkee
III
Xasan:
Asaaggeenoo horuumaraan arkayaa
Ilays aadaya oo iftiiminayaa
IV
Magool:
Oggoli oo waxbarashadu way eg tahee
Af shisheeye ayaynu addoon u nahee
Waan asqaysanahee ku aaway
Abboowe macaanow hooy
V
Xasan:
Itaalkii baa lays amaahinayaa
Iskeen maw wada adeegnaa
VI
Magool:
Aboor baa duddumo ilkaha ku dhisee
Aqbal keen qof kalaa arrin soo ururshee
Waan asqaysanahee ku aaway
Abboowe macaanow hooy
Xasan:
ii sheeg maxaa kuu daran
Abbaayo macaaneey hooy
Afqalaad aqoontu miyaa?
Xasan: Maya Maya
Magool: Maya maya, ma ahee
Afqalaad aqoontu miyaa?
Xasan:
Maya maya, ma ahee
Waa intuu qofba
Eebbe geshaa
Ayay nala tahay annagee
Ma og tahay dib
Looma abuuro dadkee
Magool:
Ma og tahay aqoonta
Amaah laysuma siiyee
Xasan:
Ma og tahay aqoonta
Abaal layskuma taartee
Magool:
Ma og tahay aqoonta
Miyaa la iibsan karaa
Xasan: Maya maya
Magool:
Ma og tahay aqoonta
Miyaa la soo ergistaa
Xasan: Maya maya
Wadajir:
Maya ayay nala tahay annagee
Waa intuu qofba
Eebbe geshaa
Ayay nala tahay annagee
Ma og tahay dib
looma abuuro dadkee.
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: