Geesigii Xoreeyay India Aurangzeb|سادس خلفاء الراشدين
Автор: Korneel media
Загружено: 2025-11-30
Просмотров: 38
Waa kuma ninka Alle ku jabiyey boqorrada Hindiya?
Waa kuma ninka qabsaday qaarad dhan, isaga oo Inta badan maalinta oo dhan Sowmi jiray, habeenkiina Qur’aanka dameeyni jiray?
Waa kuma libaaxa muslimiinta ee loogu naanaysay:
“Haraagii Khulafaa’ ar-Raashidiin”
Wuxuu ahaa libaax geesi ah, imaam weyn, mid ka mid ah halyeyadii ugu darajada sarreeyay, ee Islaamka soo mara. Allah wuxuu ku duleeyay gaalada, wuxuu ku ruxay dawaaqiida, wuxuuna ku dumiyey carshiyadii ilxidnimada.
Muslimiintana wuxuu u ahaa sidii *dayax ifaya*,
oo dib u soo nooleeyay ruuxdii diinta.
Maanta waxaan ku soo bandhigayaa, taariikhda boqorkii weynaa…
Abuu al-Muẓaffar Muḥyiddiin Maxamed Orangk Zeyb Caalamkiir.
Asc wrxm wbrkt
Magacygu wa Adam abdi
Halkanina wa korneel media
Kasoo dowaadha dawadhayaal
Muuqaalkeena maanta
Wuxuu ku dhashay **Gujarat, sanadkii **1619-kii*.
Wuxuu ahaa wiilkii suldaan *Shah Jiihan, ninkii dhisay qabriga ugu caansan dunida – *Taj Mahal.
Laakiin geerida hooyadiis Mumtaāz Maḥal waxay hoos u dhigtay xoogii aabbihiis, taasoo keentay in Orangk, uu dagaal la galo walaalihiis, ugu dambayna uu talada ku qabsado, isagoo 40 jir ah.
Qabsashadiisii kadib…
Imbaraadooriyadda Hindiya, waxay gaartay xilligii ay ugu weynayd abid.
Aurangzeb wuxuu gacanta ku dhigay, ku dhowaad dhulka oo dhan ee loo yaqaan “*subcontinent-ka Hindiya*”.
Boqorradii ugu caansanaa waa laga adkaaday.
Magaalooyin ayaa si isdaba joog ah u jabsamay.
Hantidii ugu badnayd ayaa u soo qulquli jirtay caasimadda.
Ciidankiisu tiro ahaan… lama koobi karin.
Waxay ku jireen dagaal joogto ah—
Iyo furashooyiin isdaba joog ah.
Waxaad mooddaa in dagaal iyo salaad isku meel ka qaadmeen.
#asadhagio
#history
#ogaansho
#aurangzeb
#asmr
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: