ADDUUNKA OO KA MIDEEYSANAADAY NACAYBKA ISRAA'IIL: Waa Qiimaha Xasuuqii ay sameeyeen
Автор: ANNAGA PRODUCTİON
Загружено: 2025-10-24
Просмотров: 12610
Go'doominta caalamiga ah ee sii kordheysa ee Israa'iil, waxaa laga yaabaa, in si cad loogu muujiyay digniintii 2 uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump siiyay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu: "Israa'iil adduunka oo dhan lama dagaallami karto, Bibi." Hadalkan ayaa tilmaamaya mowjadda ka dhanka ah Israa'iil ee heer caalami ah oo aan hore loo arag. Isbeddelkani hadda kuma koobna oo kaliya heerka hadalka, laakiin waxaa uu sidoo kale dhalinayaa natiijooyin la taaban karo: cunaqabataynta ay soo rogeen waddamo sida Isbaanishka 3, dacwadaha laga furay maxkamadaha caalamiga ah 4, baaqyada qaadacaadda ee sii kordhaya 5, iyo dib u soo nooleynta maraakiibta xorriyadda 6 ayaa ah tilmaamayaal cad oo muujinaya isbeddelkan. Dhammaan horumarradan caalamiga ah ayaa maanta noqday isha walaac istiraatiiji ah oo halis ah oo ay qabaan Washington iyo Tel Aviv labaduba.
Waxaa suuragal ah in taariikhyahannada mustaqbalku ay xilligan ku tilmaamaan mid isbeddel weyn ku keenay aragtiyaha caalamiga ah ee ku aaddan gumeysiga Israa'iil. Aragtiyihii hore loo takoori jiray ee lagu tilmaami jiray "xagjir" ayaa hadda noqday kuwa caadi ah (la wada qabo), gaar ahaan isbeddelkan si cad ayaa looga dhex arkayaa Xisbiga Dimuqraadiga ee Mareykanka. Ra'yi ururinta dadweynaha ayaa daaha ka rogaysa isbeddel weyn oo dhinaca dadweynaha ah: Inta badan codbixiyayaasha Dimuqraadiga ayaa hadda kasoo horjeeda siyaasadaha Israa'iil. Tusaale ahaan, sida lagu sheegay ra'yi ururinta Gallup7, boqolkiiba 59 codbixiyayaasha Dimuqraadiga waxay u damqanayaan Falastiiniyiinta, halka boqolkiiba 21 kaliya ay u damqanayaan Israa'iiliyiinta.
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: