Sifaadka lagu yaqaano gabadha mu,miinada ah
Автор: Abdinuur Ali
Загружено: 2025-11-18
Просмотров: 45
Sifaadka lagu yaqaano gabadha mu,minada ah
1. Cibaado badan – Salaadda, soonka, Qur’aan akhriska iyo ducada ayay si joogto ah u fulisaa.
2. Akhláaq wanaagsan – Waa mid edeb leh, af wanaagsan leh, dadka wanaag kula dhaqanta.
3. Xishood badan – Xishoodka waa astaanta mu’minada, mana samayso wax ceeb keeni kara.
4. Dulqaad badan – Waqtiyada adag way isxakamisaa, markasta Alle bay ku kalsoontahay.
5. Amaanada ilaashata – Waa mid daacad ah, kalsooni lagu qabi karo.
6. Quruxda gudaha leh – Quruxdeeda ugu weyn waa toosnaanta qalbigeeda iyo dhaqankeeda.
7. Ka fogaata waxyaabaha xun xun – Sida dedgaanka xun, cayda, xanta iyo muuqaallo iyo hadallo aan munaasib ahayn.
8. Waayeelka iyo waalidka u tixgalisa – Qof wayn iyo waalidkeed si ixtiraam leh bay ula dhaqantaa.
9. Quruxsan laakiin asturan – Dharka xijaabka iyo asturnaanta ayaa quruxdeeda dhabta ah ah.
10. Tawfiiqdoon – Mar walba waxay ku dadaashaa in ay ku noolaato si Alle raalli ka yahay.
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: