sidii wabi durdurayoo | maandeeq iyo dauud | hadmaan dadabgaleynaa | waan ku doonayaa hees
Автор: DHUGMAAL LYRICS
Загружено: 2022-11-30
Просмотров: 231272
Heesta : Sidii Wabi Durdurayoo
Erayada: Axmed Ducaale Xiirey
Luuqda: Daa'uud Cali Masxaf & Maandeeq
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS
QORAALKA HEESTA (LYRICS)
Sidii wabi durdurayoo
Labadiisa daamood
Dooggii kasoo baxay
Dacalada is dhaafeen
Laamaha dushiisana
Shimbiruhu ku doodaan
Ama dayr samaatoo
Dadku nabad wada yaal
Duunyaduna fooftoo
ku dareertay hawdkee
Kuu doonayaayoo
Anigana daraadaa
Indhihii i daaleen
Naftaa kuu diyaaree
Dadka kaan ka doortow
Hadmaan dadab galaynaa ?
*************************
Markaa diiggu uu ciyoo
Daakiraada subaxdii
Duhurkiyo habeenkii
Duullaan sidaan ahay
Waxaa lay dulkeenaa
Degmadaad ku nooshee
Naftu waxay dareentaa
Innagoo dalxiisoo
Daalo aynu joognee
Kuu doonayaayoo
Anigana daradaa
Indhihii i daaleen
Naftaa kuu diyaaree
Dadka taan ka doortaay
Caawaan dadab galeynaa
***************************
Sidii deyr cad ramadoo
Doox rays leh joogtoo
Duhurkii markay tahay
Mayaygii uu helay
Dambeedada la marayoo
Durdurada dhasheedii
Hadba dacal ka dhaftaa
Kuu daawadaayoo
Naxariista daymada
Nafta kugu daweeyaa
Ku doonayaayoo
Anigana daraadaa
Indhihii i daaleen
Nafta kuu diyaaree
Dadka kaan ka doortow
Hadmaan dadab galaynaa ?
***************************
Sida calanka dooggaa
Farxad iyo damashaad
Dadku uu u sarakacay
Kolka loo dabaal dago
Ama doolo iyo hawd
Dixidiyo dareemada
Mulacyeeyay daadkii
Adigoon dib ii dhigin
Duunyana aan igu xidhin
Kuu doonayaayoo
Anigana daraadaa
Indhihii i daaleen
Naftaa kuu diyaaree
Dumar taan ka doortaay
Caawaan dadab galaynaa
#dhugmaal_lyrics #dhugmaallyrics
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: