Heestii Xaliimo Sacdiyo By Mursal Muuse Cumar (MMC)
Автор: YouTubeGareeTV
Загружено: 2019-04-26
Просмотров: 1832
Heestii XALIIMO SACDIYO, Midhihii Abwaan HiilDan 2019, Codkii iyo Laxankii Mursal Muuse Cumar, Musigii Axmad Wali Furinle.
(1). Baydka Koowaad
-----------------------------------
Sida Salaadda ciiddoo
Subax loo dareeroo
Safkii laysu taagaan
Farxad kugu salaamaaye
Markaan suuradaadiyo
Samayskaaga fiirsadayeey
Waxan kugu Sifeeyaa
Suleekhadii Yuusuf uu dhalaye
Adna ila sid caashaqoo
Igu simoo ha siidaynoo
Ila Sabaalee naftan
Huunno kuu Sahwiyaysee
Seexan wayday awgaaye
(2). Baydka Labaad
-------------------------------
Sda Sigibta Libaaxlay
Dhirta ugu sidataad
Adna Xaliimo Sacdiyaay
Haween ugu Sarraysaaye
Markaad qunyar u socotee
Saydhiso tallaabadana
Daa’uus sidiisaad
Saxarka iska dhawrtaaye
Adna ila sid caashaqoo
Igu simoo ha siidaynoo
Ila Sabaalee naftan
Huunno kuu Sahwiyaysee
Seexan wayday awgaaye
-------------------------
@ HiilDan 2019.
--------------------------
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: