Dugsiyada Noradin oo Somaliland ku matalay Shir-madaxeedka Iskuullada Adduunka 2026 – Kuala Lumpur.
Автор: NORADIN SCHOOLS
Загружено: 2026-01-24
Просмотров: 651
DUGSIYADA NORADIN oo Jamhuuriyadda Somaliland ku metelay Shir-madaxeedka Iskuullada Adduunka 2026 ee Kuala Lumpur
Maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka January 2026, Dugsiyada Noradin waxa sharaf weyn u ah ka qaybgalka Shir-madaxeedka Iskuullada Adduunka (World School Summit - WSS) ee 34-aad oo lagu qabtay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.
Shirkan ayaa ka mid ah fagaarayaasha waxbarasho ee ugu saamaynta iyo magaca weyn caalamka. Xubnaha Dugsiyada Noradin ee ka qaybgalay waxa hoggaaminayay Mahad Ibraahim Maxamed, oo ah aasaasaha iyo Guddoomiyaha Dugsiyada Noradin, iyo Injineer Cabdishakuur Cabdillaahi Cawale, oo ah Madaxa Injineerada ee Nidaamka Tignoolajiyadda Maamulka Dugsiyada Noradin (School IT Management System). Shirkan waxa isugu yimid hoggaamiyeyaasha waxbarashada iyo aqoonyahannada hal-abuurka leh oo ka kala yimid in ka badan 40 waddan oo ka tirsan dhammaan qaaradaha dunida, iyadoo lagu lafaguray mustaqbalka waxbarashada caalamiga ah.
Dugsiyada Noradin waxay si sharaf leh ugu meteleen Jamhuuriyadda Barakaysan ee Somaliland munaasabaddan taariikhiga ah. Waxaa xusid mudan, inay ahayd markii ugu horreysay ee calanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee sida saddexda midab iyo kalmadda Tawhiidka lehi isagoo xambaarsan sharaf iyo karaamo laga dhex taago madasha Shir-madaxeedka Iskuullada Adduunka. Tani waxay astaan u tahay adkaysiga, aqoonsiga, iyo horumarka waxbarasho ee dalka.
Haddaba, qayb ka mid ah barnaamijyadii aqooneed ee shirka, ayaa Mahad Ibraahim Maxamed loo doortay inuu ka mid noqdo khubaro ka doodaysay mawduuc xasaasi ah oo xilligan muhiimad weyn leh, kaas oo ahaa:
“Garaadka Macmalka ah (AI): Ma halis buu ku yahay waxbarashada, ma qalab waxbarashada kaabis iyo kobcin u ah baa, mise waa wehel waxbarasho?” Aragtidiisii iyo faaqidaaddii uu ka dhiibtay doorka AI ee waxbarashada ayaa si weyn loogu ammaanay hufnaanteeda iyo aragtida fog ee ay xambaarsanayd.
Iyadoo la aqoonsaday kaalintiisii nolosha ee dhinaca waxbarashada iyo hoggaamineed, Mahad Ibraahim Maxamed waxa kale oo uu ka mid noqday xubnihii la guddoonsiiyey abaalmarinnada Shir-madaxeedka Iskuullada Adduunka 2026. Waxaa halkaas lagu guddoonsiiyey Shahaado Sharafta Doctor of Philosophy (PhD) oo dhinaca Waxbarashada ah, taas oo ay bixisay Jaamacadda MARYLAND State University ee dalka Maraykanka.
Keliya guul weyn uma aha arrintani Dugsiyada Noradin, balse guud ahaan waa guul taariikha ah oo u soo hoyatay hannaanka waxbarasho ee Somaliland.
Hambalyo ayaan leenahay Mahad Ibraahim Maxamed, bahda Dugsiyada Noradin, iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland guushan weyn ee taariikhiga ah.
NORADIN SCHOOLS Represents Somaliland at the World School Summit 2026 in Kuala Lumpur
On 24 January, Noradin Schools had the honor of participating in the 34th Edition of the World School Summit (WSS) held in Kuala Lumpur, Malaysia, one of the world’s most prestigious global education forums.
The delegation included Mr. Abdishakour Abdilahi Awale, Chief Engineer of the Noradin Schools Management System, and Mr. Mahad Ibrahim Mohamed, Founder and Chairman of Noradin Schools. The summit brought together education leaders and innovators from more than 40 countries across all continents, fostering dialogue on the future of global education.
Noradin Schools proudly represented the Republic of Somaliland at this historic event. Notably, this marked the first time the Somaliland national flag bearing the three colors and the word of Tawheed was raised with pride and dignity at the World School Summit venue, symbolizing resilience, identity, and educational progress.
As part of the summit’s academic program, Mahad Ibrahim Mohamed was selected as a panelist in a high-level discussion addressing a critical and timely topic:
“Is Artificial Intelligence a threat, a tool, or a teaching partner?”
His contribution was widely appreciated for its insight, balance, and forward-looking perspective on the role of AI in education.
In recognition of his lifelong contribution to education and leadership, Mahad Ibrahim Mohamed was also among the award recipients of the 2026 World School Summit, where he was conferred with an Honorary Doctor of Philosophy (PhD) in Education by MARYLAND State University, USA.
This achievement marks a significant milestone, not only for Noradin Schools, but also for the broader educational landscape of Somaliland.
Congratulations to Mahad Ibrahim Mohamed, to the Noradin Schools community, and to Somaliland as a whole on this remarkable accomplishment.
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: