SHEEKO XANUUN BADAN: SHEEKHOW BEEN BUU IGU GUURSADAY MAXAAN SAMEEYAA...
Автор: Ibrahim Hashi Ahmed
Загружено: 2016-06-29
Просмотров: 132342
Asc wr wb Sheikh, waxaan ahay gabar soomaliyeed, waxaan guur ku heshiinay wiil soomaliyeed, waxaan ku dhahay aroos qaaliya kuguma xirayee, alaab qaali ah guriga ii dhig, waxuu damcay alaab yar oo aan qaali ahayn in uu ii gado lakinse waan ka diiday.
Mudo yar buu igu soo laabtay, waxuu igu yiri, abaayo waan ku qaldanaa alaabti aan qaaliga ahayn aan kusoo gaday, waxaad istaahishaa in alaab qaali ah laguu gado, alaabti aad iga dalbatay too ka qaalisay baan kusoo dhigayaa.
Guri buu inoo kireeyey, sheikhow waxuu gurigii soo dhigay alaab qaali ah oo tii aan dalbay ka qaalisan, waxyar ka dib arooski baa dhacay, waana is guursanay.
sadex bilood markii aan wada joognay baa waxaa guriga nagu soo gar garaacay, sadex nin oo xoog weyn, waxey dhaheen waxaan ka soconaa shirkada dadka deymaha siiso, alaabti qaaliga ahayd oo idil bey rarteen, anoo yaaban ayuu igu yiri, WAXAANAN AWOODI KARIN BAAD IGU XIRTAY, ALAABTAN QAALIGA AH WAAN SOO KIREEYEY, HADAAD ALAABTAS QAALIGA GUURSATAY, ALAABTI WAA LA QAATEE ADIGA SII RAAC, HADAAD ANIGA I GUURSATAYNA WAA IKAANAYE GURIGAGA JOOG.
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: