Abwaan Qaasim (Axmed Ismaaciil Diiriye) | Tiiraanyo Aar iyo gabayo kale
Автор: HOYGA SUUGAANTA
Загружено: 2025-10-22
Просмотров: 427
Waxan ahay #libaax dabin u galay #dad ay colloobeene
#Duqsi iyo #qudhaanjo iyo #shimbiro, #bahalo duulduula
#Dumar iyo #carruur kay ku tahay, la igu soo duulye
#Diin baa la ii soo koray, iyo #digirin shaydaane
#Daab-gudimo iyo #leebab bay ila dul joogaane
#Dacawooyinkii baa lafaha, diiray haraggiiye
#Dalandoolli oo idili cadhay, ii dig leedahaye
#Dabaggaallayaashii ayaa, dooni sharadday’e
#Durujaaga shuuqshuuqa gala, ii dardaar-weriye
Isku duubtay #maraboobta xumi, dacalladaydiiye
Waxaas oo #dugaag igu kulmay, oo #xar iyo #dooryaan leh
Asaga oo Daalo-Arab jooga oo daristi soo daaqay
#Doofaar abbaanduule ah baa iigu sii daran’e
Hayeeshee waxaa kama damqado daacuflaha #Aar’e
#Dirxi laguma taagsado haddaad daafad weyn tahaye
La arkee dullaan qudha inaan dabinka goostaaye
La arkee in daymada indhaha dab idin leefaaye
Waan idiin dardaar werinayaa daysta hadalkiinna.
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: