HEES | WAX GARAD | Saynab X. Cali Baxsan | Original + lyrics
Автор: MAADEYS
Загружено: 2020-07-22
Просмотров: 1035985
Ereyada : Maxamuud Cabdullaahi Sangub
Laxanka : Faarax guuleed samatar
Tr qabasho : 01/01/1969
The song and 'cut scenes' used in this video are not my original creation, therefore, Maadeys does not claim any rights over them.
Copyright Disclaimer under section 107 of the Copyright Act of 1976, allowance is made for "fair use" for purposes such as criticism, comment, news reporting, teaching, scholarship, education & research. Fair use is a use permitted by copyright statute that might otherwise be infringing.
In case of any copyright infringement complains, kindly contact me on : [email protected]
Lyrics
---------
Sidoon ahay guhaad
Garab-daar lohoo
Kala guraya faal
Ama odey Guddiga
Kala goyn jiroo
Laga helay Gartii
Ama galow Ciyoo
Meel la isku galay
Gurxankii u baxay
Gufaacadaan arkaa
Ma Gu' hooray baa
Mise Ciil i galaan
Ku gaboobayaa
Yaa garaad lohoo
Oo wax garanayoo
Hadal iga guntada
(Hadal kaa guntada)
🎻🎻🎻🎻🎻🎻
Sida Guure reer
Geediga raroo
Gabagabo u dagay
Oo lama gafee
Oon gowracmoo
Galshe maran ku dhacay
Oon gaarin dhaan
Gaadiid la raray
Gacankii biyaha
Gufaacadaan arkaa
Ma Gu' hooray baa
Mise Ciil i galaan
Ku gaboobayaa
Yaa garaad lohoo
Oo wax garanayoo
Hadal iga guntada
(Hadal kaa guntada)
🎻🎻🎻🎻🎻🎻🎻
Sidii Aqal gubtoo
Goonyaha dabkii
Guudka uga baxay
Oo Gacal xigiyo
Dad usoo gurmaday
Geesna uga imaan
Ooy gaaridiyo
Gabanadii lahaa
Ay gamboon yihiin
Yaan gadooda ohoo
Galaa-yuusayeey
Yaan gadooda ohoo
Hashii guuxdayee
Godol qaadayee (gabisan ohoo)
Gaagaxdaan ehee
Yaa garaad lohoo
Oo wax garanayoo
Hadal iga guntada
(Hadal kaa guntada)
🎻🎻🎻🎻🎻🎻🎻🎻
Sida geed Dhulkii
Xididadii u galay
Godin loola tagay
Ooy Gacan cusubi
Ay Garaacdayoo
Galalaati dhacay
Ama galow Ciyoo
Meel la isku galay
Gurxankii u baxay
Gufaacadaan arkaa
Ma Gu' hooray baa
Mise Ciil i galaan
Ku gaboobayaa
Yaa garaad lohoo
Oo wax garanayoo
Hadal iga guntada
(Hadal kaa guntada)
🎻🎻🎻🎻🎻🎻🎻🎻
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: