'Waxaa naloo takooray inan qaadnay HIV/AIDS, mararka qaar xitaa guryaha na lagama kireeyo.' - Aamina
Автор: BBC Somali
Загружено: 2024-12-01
Просмотров: 5502
Xuska maalinta xanuunka HIV/AIDS-ka, oo adduunka sannad kasta laga xuso kowda bisha diisambar, iyadoo hal-kudhiga sanadkan ee xuska caalamiga laha dhigay" Raac wadada saxan: Caafimaadkayga, Xaquuqdayda"
meelaha xuskan maanta lagu qabtay waxaa ka mid ahaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyadoo lagaga hadlay dhibaatada haysta dadka la nool HIV/AIDS-ka iyo sida looga hortegi karo faquuqa ay la kulmaan dadka cudurkan la nool.
Komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka ee Somaliland, ayaa sheegay in dadka la nool xanuunkan uu hoos u dhacay marka la eego 20 sanno ka hor, oo uu ahaa boqolkiiba laba, hase yeeshee uu iminka marayo boqolkiiba (0.15), sida uu BBC-da u sheegay Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Dr. Ismaaciil Muxumed Aye.
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: