'ONLF walaac iguma hayso inay duurka ku noqdaan... Cabdi soo deyntiisa, go'aan sax ah uma arko'
Автор: BBC Somali
Загружено: 2025-05-27
Просмотров: 695928
Madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa si furan ugala hadlay BBC-da arrimo culus oo dhowaanahan dareenka bulshada kiciyey. Wareysiga waxaa lagu soo qaaday suuragalnimada ay ONLF mar kale hubka ku qaadan karto, iyadoo Mustafe sheegay inuusan cabsi ka qabin in ururku dib ugu laabto duurka.
Waxa kale oo uu si toos ah uga hadlay eedeymaha la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo caburinta saxaafadda—kuwaasoo uu ku tilmaamay qaar xaqiiqo sal ah leh iyo qaar siyaasadaysan.
Waxaa kale oo wareysiga lagu waydiiyey su’aalo adag oo ku saabsan dadka loo xidhay faallooyin Facebook ah, taasoo uu Mustafe si cad u qirtay inay dhacdo.
Waxa uu kaloo faahfaahin ka bixiyey mowqifkiisa ku aaddan sii daynta Cabdi Maxamuud, madaxweynihii hore ee deegaanka, isaga oo sheegay inuusan go’aankaas wax talo ah ku lahayn, oo uusan u arkin inay ahayd tallaabo sax ah.
Ugu dambeyntii, waxa uu ka jawaabay wararka sheegaya in dad shacab ah lagu dilay Dacawaleey, isagoo ku adkaystay in dhammaan dadka la dilay ay ahaayeen burcad hubaysan, shacabna aanan la taaban.
Wareysi furan, xiiso badan, oo su’aalo aan la daboolin badanaa lagu waydiiyey ayuu ahaa, qeybaha ugu waaweyna waxaa kamid ah:
00:00 – Hordhac: Maxaa laga hadlayaa wareysigan?
03:49 – Maxaa deeggaanka iska bedelay intuu joogay Mustafe?
08:23 – Maxaa ka jira in ONLF xafiiskooda la weeraray?
14:37 – Khilaafka ONLF dhexdeeda ah?
18:00 – ONLF oo duurka ku noqota?
23:10 – Wadahadal ONLF lala galo?
25:00 – Faallo Facebook ah qof ma loo xiri karaa?
35:00 – Dadkii xukuumadii hore ee danbiga ka galay shacabka?
39:00 – Xiisadii ka taagneyd Dacawaleey?
42:08 – Shacab ma ku dhinteen Dacawaleey?
45:05 Dagaalada qowmiyadaha iyo Sitti
47:30 – Waxbarashada Deeggaanka ee liidata
53:10 – Habka loo qeybsado maamulka deegaanka
58:08 - Gunaanad
#bbc #MustafeMuxumedCumar #ONLF #Dacawaleey #SomaliRegion #Ethiopia #soomaali #Itoobiya #soomaaliya #dds #ddsi #jigjiga #bbcsomali
Доступные форматы для скачивания:
Скачать видео mp4
-
Информация по загрузке: